Home WARAR Trump “Heshiis weliba oo aan Iiraan la galno waa badbaadada Israa’iil”

Trump “Heshiis weliba oo aan Iiraan la galno waa badbaadada Israa’iil”

0
62

Trump “Heshiis weliba oo aan Iiraan la galno waa badbaadada Israa’iil”

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa faahfaahin ka bixisay sababta uu uga dabcay go’aamo culus oo horay u qaatay si uu culays u saaro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii uu la hadlay Warbaahinta Axios.

Donald Trump ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu si dhammaystiran u joogsanayo dagaalka Bariga Dhexe isla markaana ay sidii hore isaga soo dhawaadeen Iiraan masaafaradii u dhaxaysay ee dhinaca is fahamka sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay in ay Israa’iil diidayso wadahadalka uu aqbalay waxa uu Donald Trump ku sheegay in tallaabadaan iyo wadahadalkaba lagu difaacayo jiritaanka Israa’iil oo haddii dagaalku sii daba dheeraado sii jilci doonto.

“Maalin ilaa labo maalin waxaa soo afjaraya dagaalka Iiraan, wax weliba is faham ayay ku dhammaan doonnaan, dabcan heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka waa mid muhiim u ah jiritaanka Israa’iil” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Mar wax laga weydiiyay in Israa’iil ay ka bixi karto ballanta la xiriirta ilaalinta xabbad-joojinta Lubnaan, waxa uu si cad u sheegay in aanay Xukuumadda Netanyahu weerari Karin dhulka Lubnaan kana hortagayo arrintaan.