Suuriya iyo Israa|l Oo Gaadhay Heshiis Is-afgarad Oo Uu Dhexdhexaadiyey Mareylanka.
Suuriya iyo Israa|l ayaa gaadhay is-afgarad uu dhexdhexaadiyey Mareylanku; iyaga oo ku heshiiyay in ay sameeyaan iskaashi amni oo ay ku jirto hab-sirdoon oo wadajir ah iyo in la sameeyo aag dhaqaale oo hub-ka-caaggan sida oo kale waxa lagu heshiiyay iskaashi arrimo-bulsho oo ay ka mid tahay; caafimaadka, tamarta iyo beeraha. waxaana sidoo kale la sheegay in dalal ka tirsan gobolka ay diyaar u yihiin inay maalgelin ku sameeyaan mashruucan.
Lama caddeyn halka ay noqonayso xadduuda Suuriya iyo Israa’iil, balse si cad ma muuqato suragalnimo Suuriya ay ku heli karto dhulka ay horey u heysatay Israa’iil gaar ahaan buuraha Golan Heights. Sidoo kale ma jirto wali wax falcelin ah oo labada dhinac ay ka sameeyeen soo jeedintan, xilli ay is fahan ku gaareen magaalada Paris oo labadii maalin ee u dambeysay uu ka socday wadahadal u dhaxeeyay oo Mareykanka uu dhex dhexaadinayay.























