Soomaaliya oo laga saarey liiska dalalka askareeya Carruurta
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ka saartay liiska dalalka lagu eedeeyo askareynta carruurta.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aanka la gaarey ka dib markii qiimeyn madax-bannaan hay’adaha Qaramada Midoobey ku sameeyeen hannaanka qorida Ciidamada Qalabka Sida.
“Tani waxay muujinaysaa horumar muuqda oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka samaysay ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha ciidan u hoggaansan sharciyada caalamiga ah iyo mabaadi’da bani’aadamnimada” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.