Sidee u dhacay howlgalka lagu soo qabtay Madaxweynihii dalka Venesuala?
Taliyaha ciidamada Mareykanka, Jeneral Dan Caine, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qaabka iyo farsamooyinka ay adeegsadeen si loo soo qabto hoggaamiyihii dalka Venezuela, Nicolas Maduro, kaas oo madaxiisa dul saarnaa malaayiin dollar oo abaalmarin ah.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka uu ka koobnaa dhowr weji, isla markaana bilo badan lagu howllanaa ururinta xogaha sirdoon ee ku saabsan Maduro, oo ay ka mid ahaayeen nolol maalmeedkiisa, halka uu deggenaa, iyo xitaa noocyada cunto ee uu jecel yahay.
Wuxuu intaas ku daray in markii xogahaas la xaqiijiyay kadib si taxaddar leh loo doortay waqtiga ku habboon ee la fulinayo howlgalka, si loo yareeyo waxyeellada rayidka.
General Caine ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay gaareen xarunta uu deggenaa Madaxweyne Nicolas Maduro saacaddu markay ahayd 01:01 habeenimo, waqtiga Bariga Mareykanka (ET), halkaas oo ay si degdeg ah u go’doomiyeen goobta.
Markii ay halkaas gaareen, ayuu xusay in helikobterro Mareykan ah rasaas lagu furay, balse ciidamada Mareykanka ay si degdeg ah uga jawaabeen iyagoo adeegsanaya awood ciidan oo ballaaran.
Jeneral Caine ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa ay ugu dambeyn is-dhiibeen, kaddibna lagu soo qaaday markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Mareykanka, halkaas oo markii dambe lagu wareejiyay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka.
Wuxuu tilmaamay in howlgalka ay ka qeyb qaateen dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Mareykanka, oo ay ka mid yihiin askarta dhulka, badmaaxiin, duuliyayaal, ciidanka Marines-ka iyo cutubyo kale, kuwaas oo si dhow ula shaqeynayay hay’adaha sirdoonka iyo waaxaha sharciga.
Sidoo kale, General Caine ayaa sheegay in howlgalka ay ka qeyb qaateen in ka badan 150 diyaaradood oo hal mar wada kacay, isla markaana ku sugnaa hal goob iyagoo helay hal amar oo mideysan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu sii maamuli doono dalka Venezuela ilaa laga helo dowlad ay shacabka dalkaasi raalli ka yihiin, taas oo dhalisay dood iyo falcelin caalami ah.























