Home WARAR Shariif Sheekh Axmed: “Madaxweyne Xasan Sheekh waxa u hadhay dhiig daadin, waqtigiisiina...

Shariif Sheekh Axmed: “Madaxweyne Xasan Sheekh waxa u hadhay dhiig daadin, waqtigiisiina wuu dhammaaday”

0
30

Shariif Sheekh Axmed: “Madaxweyne Xasan Sheekh waxa u hadhay dhiig daadin, waqtigiisiina wuu dhammaaday”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammeystay muddadii loo doortay, isla markaana aanu garanayn waxa uu weli u raadinayo sii joogista talada dalka.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay kulan siyaasadeed ayaa sheegay in Xasan Sheekh laba jeer loo doortay xilka madaxweynaha, sidaas darteedna ay tahay inuu xilka si nabad ah ugu wareejiyo cidda ka dambeysa marka la gaaro waqtiga doorashada.

“Labo jeer aa la doortay waa u dhamaatay, maxaa u dhiman u raadinaaya? Anigu ma garan waxa u raadinaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay waddo tallaabooyin uu ku tilmaamay caburin siyaasadeed, isagoo xusay in dhalinyaro la xirayo, mucaaradka la cadaadinayo, isla markaana shacabka qaarkood la barakicinayo.

Isagoo si toos ah uga hadlayay xaaladda uu dalka marayo, Sheekh Shariif ayaa yiri:

“Madaxweynaha waxaa u dhiman inuu dhiig daadiyo, wiilasha askarta ah dagaal ayay u fakfakanayaan, yaalala dagaalamaa miyaa laiska dhaafay dagaalkii Al Shabaab” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu intaas ku daray in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isla markaana uu aaminsan yahay in waxa uga haray ay yihiin tallaabooyin sii kordhin kara dhibaatada dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn sheegay in rajada dalka ay ku jirto dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo xusay inay diyaar u yihiin isbeddel siyaasadeed, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.