Sharciyo adag oo lagu xakameynayo ciidamad ICE oo la filayo in la hirgaliyo
Dimuqraadiyiinta ku jira Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa soo saaray liis dalab ah oo loogu talagalay in lagu xakameeyo tallaabooyinka ay qaadaan wakiillada ICE, kuwaas oo ay sheegeen in lagu lifaaqo hindise sharciyeedka maalgelinta Waaxda Amniga Gudaha.
Dalabyadan waxaa ka mid ah mamnuucid lagu soo rogo wakiillada federaalka ee xirta maaskarada, iyo in la joojiyo kormeerada, iyadoo taa beddelkeeda la farayo in xarig kasta uu ku salaysnaado amar maxkamadeed oo uu bixiyo garsoore.
Tallaabadan ayaa timid kaddib dilalka laba muwaadin oo Maraykan ahaa oo ka dhacay Minneapolis intii lagu jiray howlgalladii adkaa ee ICE.
Codbixin habraac ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedka, oo sidoo kale ka kooban maalgelin loogu talagalay Pentagon-ka, Waaxda Arrimaha Dibadda, iyo Wasaaradda Maaliyadda, ayaa la filayaa in la qabto Khamiista maanta ah , ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee laga baqayo xiritaanka dawladda dhammaadka toddobaadkan
























