Monday, September 7, 2026
Home WARAR Sayga Madaxweynaha Tanzania oo geeriyooday

Sayga Madaxweynaha Tanzania oo geeriyooday

0
45

Dowladda Tanzania ayaa xaqiijisay in uu dhintay, Hafidh Ameir Hassan oo ah Sayga Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Dalkaas ee lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan sida lagu sheegay Bayaan laga baahiyay Warbaahinta Dowladda. Hafidh iyo Samia waxa ay isku dhaleen afar carruur oo kala ah saddex wiil iyo gabadh, inantaas oo kamid ah xubnaha Golaha Wakiillada Zanzibar, waxa uu ahaa nin inta badan ka fogaaday Siyaasadda iyo Warbaahinta isaga oo ku mashquulay howlihiisa kale ee caadiga ah. Dalkiisa waxaa looga yeeri jiray magacaan (First Gentleman of Tanzania) oo loogu yeero Ragga Xaasaskooda xilalka Madaxweynaha qabta maadaama ay u dhaxdo Samia Suluhu Hassan sidaas ayuu ku qaatay magacaas.