MW Ismaaciil Geelle “Cidna kama aqbaleyno in ay soo faragaliso dalkeena yar”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanay marnaba aqbali doonnin in dalkiisa la farageliyo isaga oo dadkiisa ugu baaqay in ay ku garab istaagaan sidii looga hortagi lahaa halis weliba oo kusoo wajahan.
Fariinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kuma sheegin halis uu ogyahay oo si toos ah ugu wajahan balse waxaa jira dareen Siyaasadeed oo muujinaya xaaladaha ka taagan Geeska Afrika iyo Badda Cas oo noqon karta meel ay ku baratamaan Dalal awood ciidan sheeganaya.
“Dalkaan yar ‘Jabuuti’ baynu leenahay, wax ka roon mahayno, laakiin isaga ayaan ku dhimaneynaa, wax kale ma yeelayno, cid kama yeelayno in uu arrimahayn soo galo kuu doona ha noqdo” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti waxaa saldhig ciidan ku leh Dalalka reer Galbeedka ah ee ku loolamaya Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Militariga kuwaas oo mid weliba uu doonayo in uu ka dhex muuqdo Geeska Afrika inkasta Xukuumadda Djibouti ay sheegtay in siyaasad cad ay halkaas ku wada joogaan.
























