Talyaaniga oo Israa’iil kusoo oogaya dacwad ka dhan ah Kooxihii jabinayay Xayiraadda Gaza
Dowladda Talyaaniga ayaa diyaarisay Dacwad ka dhan ah mas’uuliyiin katirsan Israa’iil kuwaas oo ku eedeysay in ay jirdil iyo tacadiyo kale ay u gaysteen Kooxaha jabinayay Xayiraadda Gaza ee doomaha ku galay Magaaladaas.
Kooxahaan oo dalal kala duwan u dhashay waxaa kamid ahaa Muwaadiniin Talyaani ah kuwaas oo dhibsaday cunaqabataynta Israa’iil ay saartay Dadka Gaza oo xaalado dhinaca nolosha ah wajahayay xiligaas balse ay doorteen in ay xayiraaddaas jabiyaan.
Doomihii ay la socdeen ayaa lagu weeraray, markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka Israa’iil waxaa la dhigay Xabsiyo kala duwan halkaas oo loogu gaystay dambiyada kiiskooda hadda loo gudbinayo maxkamad sida ay ku warrameen mas’uuliyiin kala duwan.
Kiisaska la hayo ayaa ah kuwo khatar ku ah Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Saraakiil Ciidan oo isugu jira Booliis, Militari iyo kuwa ilaaliya Xabsiyada, Xukuumadda Rome ayaa ku goodisay in ay qaadayso tallaabo sharci oo ka dhan ah Dadka Diiwaankaan ku jira.
Xubnaha ku jira dadka dacwadda laga gudbiyay waxa ay ku jiraan liiska Dadka ay raadinayso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC kuwaas oo dambiyo kuwaan ka culus lagu eedeeyay sida xasuuqa ay ka gaysteen Magaalada Gaza.























