Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeeray goobta laga qodayo Shidaalka Dalka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Goobta uu shidaalka ka qodayo Markabka Çağrı Bey ee Badda Soomaaliya isaga oo la kulmay Injineerada ku howlan soosaarka Shidaalkaas horay loo sahmiyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa bogaadiyay khubarrada baarista shidaalka ee Turkiga u dhashay kuwaas oo uga mahadceliyay sida ay go’an tahay soosaarka shidaalkaan oo muhiim u ah horumarka Dakhliga Dalka.
Markabka Çağrı Bey ayaa Dekedda Muqdisho laga sagootiyay 11kii April 2026 isaga oo u jihaystay Shaqada godista Shidaalka Soomaaliya, 6 bil kaddib waxaa booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu usoo arko shaqadaas uu hayo.
Çağrı Bey ayaa dul taagan Ceelka loogu magac daray (Curad 1) kaas oo sahankii lagu sameeyay lagu ogaaday in uu shidaal dabiici ah ku jiro, waxaana bilo kahor laga soo qaaday dhagaxaanta muujinaysa in shaqadu gaartay lakabkii ugu dambeeyay ee shidaalka lagu tagi lahaa.
Soomaaliya waxa ay xoogga saartay soosaarka shidaalkeeda ku jira Badda, Turkiga ayaa ka gacansiinaya howshaas waxaana injineero u dhashay Dalkaas ay sameeyeen sahan iyaga oo ugu dambayn ku dhaqaaqay qodista oo hadda laga sugayo natiijada ugu dambaysa.























