RW Xamsa oo maanta furaya waddooyinka Muqdisho ee muddada dheer xirnaa
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib u furaya waddooyinka caasimadda ee amniga dartiis loo xiray, kaddib markii ay soo dhammaatay qiimayntii guddigii Golaha Wasiirrada u xilsaaray arrintaan.
24kii July 2025, Kulan Golaha Wasiirrada ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaa looga dooday waddooyinka xiran oo gaaraya 100 jid oo muhiim ah, kaddib waxaa warbixin dib ugu soo celiyay Guddigii loo xilsaaray oo sheegay in 60% ay xiran yihiin Waddooyinka Magaalada Muqdisho kuna soo ogaadeen xog-baaristooda.
Xamsa Cabdi Barre oo ka duullaya arrintaas ayaa maanta goobjoog ka noqonaya dib u furista waddooyinkaas si lo fududeeyo isu socodka Gaadiidka iyo Dadka Caasimadda oo xirnaashiyaha waddooyinkaan culays ku ahaa sabab la xiriirta jidadka furan ee kooban oo ay isaga hor imaanayeen Gawaarida.
























