RW Xamsa oo fariin u diray Shacabka Muqdisho oo mucaaradka ka codsaday Bannaanbax!
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga aragtida siyaasiyiinta ka aragtida duwan balse aan la aqbali karin in khalkhal la galiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda oo faafiyay muuqaalka Ra’iisul Wasaaraha oo soconaya 4 daqiiqo iyo 7 ilbiriqsi ayaa uga hadlay saddex fariin, oo kala ah; amniga caasimadda, badqabka shacabka magaalada iyo mucaaradka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa marka hore sheegay in amniga magaalada Muqdisho ay uga baxday dowladda qarash badan, halka ay uga geeriyoodeyn saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka dowladda, kuwaas oo naftooda u horay sidii magaladaan ay amni u noqon lahayd.
Mr. Xamsa ayaa shacabka magaalada ugu baaqay in ay ilaalshadaan amniga caasimadda, isaga oo sheegay in aysan ka burburin siyaasiyiin uu sheegay in ay ‘madaxmartay shahwada xukunka’ iyo dowlado shisheeye kuwaas oo carabka ku dhuftay in ay qarash ku bixinayaan sidii wax loogu dhimi lahaa amniga.
“Shacabka Muqdisho; Siyaasi ay madax martay shahwada xukunka iyo dowlado shisheeye yaynaan idinka wax yeeleenin amniga Caasimadda,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Fariinta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa ku soo gabagabeeyay baaq uu u diray mucaaradka, uu uga codsaday in ay yimaadaan gogosha uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xamsa ayaa mucaaradka u sheegay in ay gogosha marka ay imaanayaan la yimaadaan qorsho cad, waxa uu ku eedeeyay mucaaradka in aysan hore u soo bandhigin talooyinkooda iyo qorshahooda, ayna diideen in ay raacaan talooyinka ay soo bandhigtay dowladda.
“Siyaasiyiinta mararkii hore ee aad gogosha madaxweynaha imaanayseyn waxaa imaanayseyn idinka oo talo wadan talo raac ahayn, waad ku mahadsan tihiin in aad horey u timaadeyn gogosha,” sida uu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mucaaradka ugu baaqay haddii ay rabaan xukunka in ay wada hadal ku yimaadeyn, oo ay ka dheeraadaan dagaal iyo wax kasta oo keeni kara dib u dhac uu sheegay in dalkaan ka soo gudbay.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli mucaaradka ay ku baaqeyn in magaalada Muqdisho ay ka qabanayaan maalinta Axad bannaan bax nabadeed oo ay ku dalbanayaan joojinta dhulka laga barakiciyay shacabka caasimadda.























