Roob ka da’ay Muqdisho oo joojiyay shaqada Garoonka Diyaaradaha, Goobaha Waxbarashada & Waddooyinka
Roob saacado badan ka da’aya Magaalada Muqdisho ayaa sababay in ay istaagaan isu socodka waddooyinka Muhiimka ah ee Caasimadda sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Goobaha Waxbarashada iyo kuwa shaqooyinka.
Goobaha biyaha degaan ayay xareeddu xirtay, waxaa joogsaday isu socodka Gaadiidka iyada oo meelaha qaar aanay suuragalayn in xitaa dadka lugayanaya ay maraan maadaama biyuhu ay ku badan yihiin godadkuna ay halistooda leeyihiin.
Xaafadaha u nugul biyaha Roobka ayaa qaarkood buuxsamay, waxaana laga cabsi qabaa in ay dumaan guryaha qadiimiga ah ee waqtiga dheer dhisan maadaama roobku uu da’ayo saacado badan sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka digtay roob mahiigaan ah oo dalka kusoo wajahan kaas oo dhallin kara fatahaado, Daadad iyo xaalado kale oo u baahan in laga feejignaado halistaan sida ay hadalka u dhigtay.























