Home WARAR Ramla Ali oo Lagu Wargeliyay Inaanay Geli Karin Mareykanka

Ramla Ali oo Lagu Wargeliyay Inaanay Geli Karin Mareykanka

0
106

Ramla Ali oo Lagu Wargeliyay Inaanay Geli Karin Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kedis ah kusoo rogtay feeryahanka caalamiga ah Ramla Ali, taas oo sababtay in laga joojiyo gelitaanka dalka xilli ay ku qorsheysnayd inay ka qeyb gasho ciyaar feer oo si weyn loo sugayay, taas oo lagu waday inay qabsoonto 19-ka December.

 

Ramla Ali, oo muuqaal ay kusoo duushay baraha bulshada ku faahfaahisay dhacdada, ayaa sheegtay in saraakiisha socdaalka Mareykanka ay u sheegeen in booqashadeedii dhawaan ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ay ahayd sababta lagaga hor istaagay inay dalka soo gasho.

 

Feeryahanka oo aad looga jecel yahay gudaha iyo dibadda Soomaaliya, ayaa muuqaalkeeda ku muujisay niyad-jab iyo fajac, iyadoo tilmaamtay in safarkeeda Muqdisho uu ahaa mid shaqsiyeed oo qoys iyo tababar ku saleysan, islamarkaana aanu wax xiriir ah la lahayn arrimo siyaasadeed ama amni.

 

Go’aankan ayaa durba abuuray hadal-hayn xooggan, iyadoo taageerayaal badan oo ciyaarta feerka jecel ay ku tilmaameen arrinta mid aan cadaalad ahayn. Qaar ka mid ah bahda ciyaaraha ayaa ku baaqay in la caddeeyo sababaha dhabta ah ee ka dambeeya go’aanka ay qaadday dowladda Mareykanka, iyagoo ku adkaystay in ciyaartoyda caalamiga ah ay mudan yihiin in loo oggolaado shaqadooda iyo howlaha ay u socdaan.

 

Xayiraadda la saaray Ramla ayaa sidoo kale mugdi gelisay kulankii feerka ee ay ka qayb geli lahayd, kaas oo lagu tilmaamay mid ay indhaha ciyaar-jaceylka caalamku kusoo jeediyeen. Maamulka qaban-qaabada ciyaarta ayaa lagu soo warramay inay ku jiraan wadatashi degdeg ah, si loo go’aamiyo haddii la heli karo beddel ama dib-u-dhigid dhacdada.

 

Inkastoo ay niyad jabtay, Ramla Ali ayaa sheegtay inay rajeynayso in xaaladdu xal u hesho, isla markaana ay mar kale fursad u hesho inay gudaha u gasho Mareykanka si ay u gudato howlaha ciyaareed ee u qorshaysnaa.