Home WARAR Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay baarayso Arday lagu xasuuqay Iiraan

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay baarayso Arday lagu xasuuqay Iiraan

0
54

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay baarayso Arday lagu xasuuqay Iiraan

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ay baarayso Arday lagu xasuuqay Dalka Iiraan kuwaas oo beegsadeen Diyaaradaha Maraykanka, Israa’iil iyo dalalka kale ee la safan kuwaas oo 28kii Febaraayo 2026 duullaan ku qaaday dalkaan.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ku yeeshay Magaalada Geneva ayaa cambaareeyay weerarkaas Maraykanka iyo Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen Iskuulkaas oo khasaara xooggan dhaliyay.

Sawirrada ku faafay Baraha Bulshada waxa ay muujinayaan walaac xooggan maadaama burbur xooggan oo murugo wata uu soo gaaray Iskuulka iyada oo si arxan darro ah loo beegsaday goobtaas oo kamid ah meelaha ka caaggan colaadaha.

Dugsiyo ku yaalla Koofurta Iiraan ayaa la weeraray sabtidii, waa maalintii ugu horraysay dagaalka galay maalintii shannaad, Maraykanka & Israa’iil ayaa sheegay in ay baarayaan warbixinnadaan inkasta oo aysan sheegin waqtiga laga sugayo natiijada.

Danjiraha Iiraan ee Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa Dadka ku dhintay weerarrada iskuullada ku sheegay in 150 Arday, waxa uu intaas ku daray in dhaawaca uu intaas ka badan iyada oo weli meelaha qaar laga baarayo Dad la waayay.