Home WARAR Qaramada Midoobay oo Gargaar degdeg ah u dalabtay Carruur ku dhibaataysan Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo Gargaar degdeg ah u dalabtay Carruur ku dhibaataysan Soomaaliya

0
16
Bishar Salaad, a malnourished Somali child, drinks milk inside the pediatric ward of the Bay Regional Hospital where admissions for severe malnutrition have surged, and humanitarian funding continues to decline despite rapidly increasing needs according to Medecins Sans Frontieres (MSF), in Baidoa, Somalia August 10, 2026. REUTERS/Feisal Omar

Qaramada Midoobay oo Gargaar degdeg ah u dalabtay Carruur ku dhibaataysan Soomaaliya

Sanduuqa Taakulada ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Carruurta Soomaaliyeed kaddib markii ay istaagtay Kaalmadii lagu bixin jiray waxa uu dalbaday in si degdeg ah loo garab istaago carruurtaas.

UNICEF ayaa carrabka ku adkaysay in kaalmada degdega ah ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto badbaadinta malaayiin Carruur ah oo cunno la’aan, nafaqo darro iyo xaalado kale oo halis ku ah ku wajahaya Gudaha Soomaaliya.

Maraykanka iyo Hay’ado kala duwan ayaa joojiyay taageeradii ay siin jireen Hay’adaha gacan qabta Carruurta Soomaaliyeed ee bixiya waxyaabaha nafaqa u ah, wixii arrintaas ka dambeeyay waxaa kordhay walaaca laga muujinayo xaaladda Carruurtaas oo meel cidlo ah kusoo dhacday.