Home WARAR DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

0
16

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo kamid ah Caasimadda ay ka dhaceen qaraxyo aan gaysan khasaaro.

Goobaha lagu hubiyo Gaadiidka ee Caasimadda ayaa lagu kordhiyay ciidamada sugaya amniga ee baaraya Gawaarida iyo Dadka la socda halka waddooyinka Xaafadaha la geeyay ciidamo baaris halkaas kawada.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiliyadii habeenkii waxa ay howlgallo baaris ah ka sameeyaan Degmooyinka Gobolka Banadir, natiijada kasoo baxday baaristaan weli sooma bandhigin.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamada Booliiska ee sida militariga u tababaran ee loo yaqaan (Booliis Militaraare) oo horay qayb uga ahaa sugidda Amniga in ay haatan dib u billaabeen ka qaybgalka howlgallada socda.