Home WARAR Pep Guardiola oo Ciyaartoyda Manchester City uga digay in ay cunnaan ama...

Pep Guardiola oo Ciyaartoyda Manchester City uga digay in ay cunnaan ama cabbaan waxyaabaha kordhin kara Miisaankooda!

0
167

Pep Guardiola oo Ciyaartoyda Manchester City uga digay in ay cunnaan ama cabbaan waxyaabaha kordhin kara Miisaankooda!

Macallinka Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester City, Pep Guardiola ayaa ciyaartoydiisa oo fasax gaaban aadday isla markaana dib usoo noqonaya Jimcaha u diray digniin culus oo la xiriirta dhinaca Miisaankooda.

Pep Guardiola ayaa si cad ciyaartoyda ugu sheegay kahor inta aysan kulanka ay kooxdiisa kahortagayso Nottenhan Forest 27ka Bishaan oo ku beegan sabtida in ciyaaryahan weliba uu iska ilaaliyo cunnooyinka, Cabbitaannada & wax weliba oo miisaankiisa kordhin kara.

Macallinkaan u dhashay Dalka Spain ayaa Dhaqaatiirta ku wargeliyay in ay la socdaan Miisaanka ciyaartoyda oo Ciyaaryahankii wax ku kordhaan uu ka saari doonno safkiisa isla markaana uu siin doonno tababar culus oo waqti ku qaadan kara.

Pep oo hami ka galay Horyaalka Ingriiska maadaama Kooxda Hoggaaminaysa ee Arsenal ay ka sarayso 2 dhibcood, sidoo kale sababta uu cadaadiska u saarayo waa kulamada la iska daba-dheegalayo ee maalmaha loo yaqaan Boxin Day.

Ciyaartoy badan ayaa miisaankooda dartood safka koowaad ee Kooxda uga waayay Macallinka Naadiga Manchester City kuwaas oo markii dambe isaga tagay kooxdooda si aanay u dhumin Mustaqbalkooda.