Home WARAR Pakistan oo qaadday tallaabo fududaynaysa nabadda laga raadinayo Bariga Dhexe

Pakistan oo qaadday tallaabo fududaynaysa nabadda laga raadinayo Bariga Dhexe

0
69

Pakistan oo qaadday tallaabo fududaynaysa nabadda laga raadinayo Bariga Dhexe

Dowladda Pakistan ayaa qaadday tallaabo muhiim u ah howlaha geeddi socodka Bariga Dhexe iyada oo Xukuumadda Islamabad meesha ay ka saartay in dadka ka qaybgalaya ololahaan lagu xujeeyo soo qaadasha Dal ku galkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mohamed Ishaq Dar ayaa faray shirkadaha Diyaaradaha in ay soo qaadaan Dadka doonaya ama xiiseenaya wadahadalladaan sida Suxufiyiiinta oo marka ay soo gaaraan Magaalada Islamabad la siin doonno Fiisaha (Dal ku galka).

IShaq Dar ayaa sheegay in tallaabadaan loo qaaday sidii loo xoojin lahaa dedaallada nabadda ee Bariga Dhexe si loo sii dhammaystiro xabbad-joojintii Islamabad ay kol hore abuurtay loogana dhigo mid aan waqti ku xirnayn.

Pakistan ayaa noqday dalka ugu hadal haynta iyo saamaynta badan Caalamka, waa dalka ku guulaystay in uu horumar ka sameeyo isu soo dhawaynta Maraykanka & Iiraan oo muddo dagaalamayay, halka uu weli ku raadinayo sidoo loosoo afjari lahaa colaadda raadkeedu muuqdo.