Nigeria oo sheegtay in Koofur Afrika lagu beegsaday Muwaadiniin si sharci ah ku joogta Dalkaas
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay Dalkaas oo si sharci ah ku jooga Dalka Koofur Afrika in ay la kulmeen weerarrada ajaanib nacaybka ah ee ka socda Dalkaas.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria, Sola Enikanolaiye ayaa Koofur Afrika ka dalbaday in ay jawaab cad oo lagu qanci karo ka keento dhibaatadaas ka dhanka ah muwaadiniintooda ee sida sharciga ah ku jooga waddankaas.
Sola ayaa xusay in rabshadaha sii kordhay ay dhalin doonto dhibaato dhaxal-xun u noqota muwaadiniinta Koofur Afrika maadaama beegsiga ka dhanka ah Ajaanibta aan kala sooc lahayn oo Muwaadiniin badan ay gaartay.
Waxa uu walaac ka muujiyay waxa ka socda Koofur Afrika, waxa uu Madaxweyne Cyril Ramaphosa iyo Ciidamada Booliiska usoo jeediyay in ay ilaaliyaan hantida iyo nafta Dadka sharciga ku jooga Dalkaas ee hadda dhibanayaasha ah.























