Sunday, September 6, 2026
Home WARAR Netanyahu oo markii ugu horraysay ka hadlay duqayntii uu Qatar ka gaystay...

Netanyahu oo markii ugu horraysay ka hadlay duqayntii uu Qatar ka gaystay sannadkii hore

0
34

Netanyahu oo markii ugu horraysay ka hadlay duqayntii uu Qatar ka gaystay sannadkii hore

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa ku faanay weerarkii uu ku qaaday Magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qatar 9kii September sannadkii hore 2025 isaga oo qiray in uu ku dhintay sarkaal u dhashay Dalkaas uu weeraray.

Waraysi uu siiyay i24NEWS ayuu dhinaca kale sheegay in kaalmada Qatar ee Gaza ay joojin waayeen isaga oo intaas ku daray in Xukuumadda Dooxa ay dejisay qorshe cusub oo ah in dhaqaalihii tooska ah ay gaynayeen magaaladaas ay u baddeleen kaalmo bani aadamnimo.

Netanyahu ayaa qirtay in uu xadgudub ahaa weerarkaas balse waxa uu isku dhinac marsiiyay in ay kahortageen halis ku aaddan oo ka imaanaysay goobtaas ay bartilmaameedsadeen maadaama ay ku sugnaayeen xubno katirsan Xamaas sida uu hadalka u dhigay.

Culayska gudaha ka haysta ayuu xusay in uu kusii kordhay mar haddii uu ku waqti dheeraaday dagaalka ka socda Bariga Dhexe, waxa uu carrabka ku dhuftay in dhankooda uu khasaara kasoo gaaray dagaalladaas inkasta oo uusan sheegin tiro rasmi ah.

Benjamin Netanyahu oo culays doorasho wajahaya xisbigiisa ayaa billaabay in uu bannaanka soo dhigo xogo badan oo daahsoon, waxaana loo fasirtay in uu ugu gol leeyahay sidii uu culayskaas ugu muujin lahaa si dib looga durko xilka uu ku fadhiyo.