Sunday, September 6, 2026
Home WARAR Muqdisho oo wajahaysa Qiimo koror ku yimid lacagaha lagu kala iibsado Dhuxusha

Muqdisho oo wajahaysa Qiimo koror ku yimid lacagaha lagu kala iibsado Dhuxusha

0
18

Muqdisho oo wajahaysa Qiimo koror ku yimid lacagaha lagu kala iibsado Dhuxusha

Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa Qiimo koror ku yimid lacagaha lagu kala iibsado Dhuxusha iyada oo labo arrin loo sababeeyay qiima kororkaas sida ay Mustaqbal Media ku ogaatay xog baaris ay ku samaysay.

Qaar kamid ah Ganacsatada Dhuxusha iibisa ayaa inoo sheegay in dhuxushii inta badan laga keeni jiray deegaanno katirsan Koofur Galbeed kol hore joogsatay halka kuwa sida qarsoodiga ah loo keenno ay lacag badan kusoo gaaro Caasimadda.

Sidoo kale waxa ay inoo sheegeen Ganacsatadu in Gaaska oo dadka u bateen isticmaalkiisa markii uu qiima sare gaaray inay dadka billaabeen iibsashada Dhuxusha sidaasina ay ku noqotay mid lacag ku korortay sida ay hadalka u dhigeen.

Loorka ugu yar ee Dhuxusha waxaa maalmo kahor la iibinayay $10 balse hadda waxaa la iibinayaa lacag u dhaxaysa $12 ilaa $14 sida ay Mustaqbal Media la wadaageen dad aan la kulanay inta aan baaristaan wadday oo iibsaday Dhuxusha.

Nolosha isbaddelaysa ee Muqdisho waxa ay u muuqataa in ay kasii guurayso isticmaalka dhuxusha laga jaro dhirta iyada oo u geeddi roganaysa adeegsiga Gaaska wax lagu karsado laakiin caqabadda jirta waa in mararka qaar la waayo uu qiimaha labo laab gaaro.