Home WARAR Maxay salka ku heysaa dooda Xildhibaannada diidan wax ka badalka Dastuurka KMG?

Maxay salka ku heysaa dooda Xildhibaannada diidan wax ka badalka Dastuurka KMG?

0
152

Maxay salka ku heysaa dooda Xildhibaannada diidan wax ka badalka Dastuurka KMG?

Kulankii labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale baaqday, sabab la xiriirta buuqa iyo diidmada ay Xildhibaannada ka muujinayaan Wax ka badalka dastuurka dalka.

Gacan ka hadal dhexmaray qaar kamid ah Xildhibaannada iyo Ciidamo Booliis ah ayaa sababay in guddoonka go’aamiyo inuu baaqday kulanka labada gole ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cadar ayaa isku dhaca ciidamada iyo xildhibaannada waxaa ka soo gaarey dhaawac dhinaca lugta ah, iyada oo la dhigay mid ka mid isbitaallada magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiin Mucaarad ah oo ay ugu horreeyaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Kheyre iyo Rooble ayaa booqday Xildhibaan Cadar oo dhaawaceeda ku eedeynaysa Ciidamada Booliiska.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Nuux oo la hadlay warbaahinta ayaa caddeeyay in ay wadaan baaritaan la xiriira dhaawaca ay sheeganeyso Xildhibaan Cadar.

Sidaan si lamid ah kulankii sabtida ee Baarlamaanka wuxuu u baaqday buuqa Xildhibaannada diidan in la qeybiyo nuqullada wax ka badalka Dastuurka ee cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka.

Guddoonka labada gole ayaa arrintaasi ka gaarey go’aan waxaana 12 fadhiyada Baarlamaanka laga joojiyay 18 mudane oo ka kala tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Dooda Xildhibaanada ka soo horjeeda wax ka badalka Dastuurka ayaa salka ku haysa in la gaaray xilligii uu xirmayay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamamaanka, isla markaasna ay u baahan yihiin fasax.

Balse Guddoonka ayaa ka dhaga adeegaya, iyagoo dalbanaya in Xildhibaannada ay shaqeeyaan bishaan si loo meelmariyo shanta cutub ee Dastuurka.