Tuesday, September 1, 2026
Home WARAR Markab Shidaal oo lagu beegsaday Marinka Hormuz

Markab Shidaal oo lagu beegsaday Marinka Hormuz

0
35

Markab Shidaal oo lagu beegsaday Marinka Hormuz

Markab Shidaal oo marayay Marinka Hormuz ayaa la beegsaday iyada oo wararka la helayo ay sheegayaan saddex gantaal sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Taliska Howlgallada Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska.

Duqaynta ayaa ka dhacday meel 31 KM dhanka Bari ka xigta Gobolka Khasab ee Cumaan, waxaana socda baaris lagu ogaanayo cidda beegsatay oo aan si toos ah loo tilmaamin sida lagu sheegay bayaanka.

Halista Marinka Hormuz ka jirta ayaa sii kordhaysa iyada oo dhowr jeer la weeraray Maraakiib isku dayday in ay ka gudbaan marinkaas, waxaa intaas dheer weerarro bannaanka marinka ka dhacay oo lagu bartilmaameedsaday Maraakiib wada Shidaalka.

La soco wixii kasoo kordha