Duullimaadyada Garoommada Diyaaradaha ee Kenya oo maalintii labaad joogsaday
Waxaa maalintii labaad hakad ku jiraduullimaadyada maalinlaha ah ee Garoommada Diyaaradaha Kenya kaddib markii ay saamaysay shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha ka shaqeeya Garoommadaas oo ka cabanaya Agaasimaha guud ee Hay’adda Duullista rayidka ah, Moses Wekese.
Muuqaallo laga soo duubay Garoommada Diyaaradaha waxaa ka dhex muuqda Dad badan oo ku xayiran Xeendaabka Garoommadaas maadaama ay joogsadeen duullimaadyada diyaaradihii ay ku qornaayeen in ay ku safraan, waxaana ku yimid dib u dhac saameeyay jadwalkooda safarka.
Shaqaalaha ayaa ku dooday in la baddelo Agaasime Moses Wekesa oo ay ku tilmaameen in uu caqabad ku yahay horumarka shaqada Garoommada iyo isku xirka shaqaalaha u diiwaangashan Ururka Shaqaalaha Duullista Kenya ee KAWU waxaana ay muujiyeen saamayntooda dhinaca ilaha dhaqaalaha.
Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in 6 saac oo caqabad shaqo ay haystay ay ugu dambayn qaadatay go’aan ku saabsan inay rakaabkeeda ku wargeliso dib u dhac iyo dib u dhigis safar oo dhibaato dhaqaale ku noqonaya sida ay ku doodeen xubno kala duwan oo ka gaabsan in xogtooda la baahiyo.
Hakadka ku yimid duulimaadyada diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa saameen waxa ay ku yeelatay Soomaaliya, iyada oo ay joogsadeen duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi ee maalinle ahaa, waxaana garoonka Aadan Cadde la arkayay shacab ku xayiran.
Kenya ayaa hoos uga dhici karta dhaqaalaha ay ka hesho Dalxiiska, Dhoofinta waxsoosaarkeeda, Diyaaradaheeda iyo adeegyada kale ee Bulshada, waxaana su’aallo badan la dul dhigay sida ay noqon doonto rajada mustaqbalka dadka usoo dalxiis tagaya Dalkaas oo haatan niyad jab iyo culays kala kulmaya garoommada xayiran.
























