Mareykanka oo joojiyay gargaarkii binu aadanimo ee ay ku taageeri jireen Soomaaliya
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in ay gabi ahaanba joojiyeen gargaarkii ay siin jireen Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in la burburiyay bakhaaro lagu keydin jiray raashinka gargaarka.
Qoraal uu baahiyay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan kaalmada dibadda, ayaa lagu sheegay in la musuqmaasuqay raashinka ku jiray bakhaar ay leedahay hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, kaas oo dhan 76 tan.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Bakhaarada ay ku yaallaan Dekadda Muqdisho, isla markaasna qeyb ahaan la burburiyay mana cadda sababta.
Weli mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin warkaan ka soo baxay Maamulka Trump.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca gargaarka binu aadanimada, waxaana sida uu u yimid Trump Soomaalida gudaha iyo dibadda la kulmeen cadaadis.
Soomaaliya oo ah dal hodan ayaa la eegaya tillaabada xigta ee la qaado si loo buuxiyo kaalinta Mareykanka ka qaadan jiray gargaarka binu aadanimo, iyadoo ay jiraan dalal kale oo taageera Soomaaliya sida Turkiga iyo Shiinaha.























