Wednesday, February 18, 2026
Home WARAR Maraakiibta Turkiga ee soo saareysa Shidaalka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ku...

Maraakiibta Turkiga ee soo saareysa Shidaalka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ku soo wajahan dalka

0
30

Maraakiibta Turkiga ee soo saareysa Shidaalka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ku soo wajahan dalka

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya in ay yimaadaan laba Markab oo qeyb ka ah howlgalka Sahanka iyo soo saarista Shidaalka ku jira dalkeena.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga, Maraakiibta imaan doona gudaha Soomaaliya ayaa ah kuwo dhawaan uu soo iibsaday Turkiga, kuwaasi oo awood u leh in biyaha hoostooda ka sameeyaan howlagl soo saaris shidaal.

Bishii hore Wasiirka Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu bisha Febraayo ee sannadka soo socda Soomaaliya u soo diri doono markabka weyn ee qodista saliidda iyo gaaska ee loo yaqaan Cagri Bey.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in hawlgalka markabkan uu diiradda saari doono aagagga badda ee ku yaalla biyaha Soomaaliya, inkasta oo uusan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan baaxadda kaydka la filayo.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii sannadkan 2024 ay labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis dhanka tamarta iyo sahminta khayraadka ah.

Dawladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii ay u ballaarin lahayd ilaha tamarta ee ay heli karto, si ay u yareyso ku tiirsanaanta shidaalka iyo gaaska ay dibadda ka soo iibsato.

Soomaaliya ayaa dhankeeda dooneysa in ay ka faa’iideysato khayraadka ku jira badda, si wax looga badalo dhaqaalaha dalka.