Wednesday, September 23, 2026
Home WARAR Madaxda Khaliijka oo Trump ku cadaadinaya in uu aqbalo heshiiska lagu soo...

Madaxda Khaliijka oo Trump ku cadaadinaya in uu aqbalo heshiiska lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe

0
37

Madaxda Khaliijka oo Trump ku cadaadinaya in uu aqbalo heshiiska lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe

Madax kala duwan oo wakiilo ka ah Iiraan isla markana horay ula soo kulmay mas’uuliyiinta dalkaas una gudbiyeen qodobada ay ku joogsan karto colaadda Donald Trump markii ay soo jeedintiisa dhagaysteen kaddib la wadaagay dedaallada xalka lagu gaari karo.

Mas’uuliyiinta ka socota Dalalka Khaliijka ayaa Madaxweyne Trump la wadaagay dhibaatooyinka ay ka dhaxlayn duqaymaha Iiraan ay ku beegsatay dalalkooda, waxa ay ka digeen sii socoshada dagaallada.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in uu danaynayo la kulanka wafdiga sare ee ka socda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, balse Tehran ayaa sheegtay in shuruudahooda u gudbiyeen Xukuumadda Dooxa.