Kuuriyadda Waqooyi oo war ka soo saartay xariga Mareykanka ee Madaxweynihii dalka Venezuela.

0
48

Kuuriyadda Waqooyi oo war ka soo saartay xariga Mareykanka ee Madaxweynihii dalka Venezuela.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay tillaabada Mareykanka ku soo xiray Madaxweynihii dalka Venezuela, Nicolas Maduro.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya oo la hadlay Wakaaladda Wararka KCNA ayaa sheegay in hannaanka loo maray qabashada Maduro uu yahay mid qaab daran oo ka hor imaanaya Madaxbannaanida dalkaasi.

“Dhacdadan waxaa ay tusaale u tahay naxariis darrada Mareykanka iyo dabeecadda qalafsan ee maamulka Madaxweyne Trump” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Waqooyi.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo aadaya xilli dalal badan oo caalamka ay cambaareeyeen tillaabada Mareykanka ku soo xiray Madaxweynihii dalka Venezuela, Nicolas Maduro.

Hoggaamiyaha la xiray oo laga dajiyay magaalada Newyork ayaa la qorsheynayaa in la soo taago Maxkamad, si loogu soo oogo dambiyo ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada iyo burburinta Dimuqoraadiaydda.