Khilaaf hor leh: Bilyaneerkii Caanka Ahaa Elon Musk Iyo Twitter Oo Madaxa Iskula Jira
Maal-gashadayaasha Twitter-ka ayaa dacweeyay Elon Musk si ay u maareeyaan dalabka shirkaddan baraha bulsheed ee uu ku doonayey bilyaneerkani oo gaadhsiisan $44bn (£34.9bn).
Kiiskan ayaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay sharciyada shirkadaha California dhowr siyaabood dartood, sida ay ku doodayaan madaxda Twitter.
Waxay ku eedayeen madaxa Tesla “dhaqan khaldan” maadaama “hadaladiisa beenta ah iyo wax-is-daba-marintu ay ka abuureen ‘qalalaase’ xarunta Twitter-ka ee San Francisco”.
Saamiyada Twitter-ka ayaa 27% ka hooseeya qiimaha uu Mr Musk uu soo bandhigay $54.20 halkii saamiba.
Dacwadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mr Musk uu ka faa’ideystay dhaqaale ahaan dib u dhigidda shaacinta saamiga weyn ee uu ku leeyahay Twitter-ka, iyo qorshihiisa ah inuu xubin ka noqdo guddiga shirkadda.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhowr qoraal oo uu soo dhigay Mr Musk, oo ah qofka sida joogta ah u isticmaala Twitterka oo leh in ka badan 95m oo taageere o kaga xidhan halkaa ay ahaayeen “marin habaabin”.
Tan waxaa ka mid ahaa qoraal uu Mr Musk ku sheegay in dalabkiisa la wareegida shirkadda baraha bulshada uu hakad ku jiro, sababtoo ah shakiga uu ka qabo tirada xisaabaadka been abuurka ah ee goobta.
qoraalka uu soo qorayn 13-kii May ayaa ahaa “mid ka dhignaa dadaal lagu doonayo in lagu maamulo suuqyada Twitter-ka xilli uu sii ogaa xisaabaadka been abuurka ah,” ayaa lagu yidhi dacwaddan.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in Mr Musk uu “laban laabay” eedeymihiisii afar maalmood ka dib, isagoo ku sheegay Twitter-ka in heshiisku “uusan socon ahayn mid hore u socon kara”.
Jimcihii, Frank Bottini, oo ka mid ah qareennada u doodaya maal-gashadayaasha Twitter-ka, ayaa BBC u sheegay in dacwadda la gudbiyay iyadoo Mr Musk “uu sii wado inuu ceebeeyo shirkadda uu doonayo inuu ku iibsado $ 44bn si uu ugala xaajoodo hoosan ugu dhigo qiimaha iibka” .
“Cabashada aan u gudbinay San Francisco waxaan ku doonaynaa in Musk lagu xukumo dhaqankiisa sharci darrada ah,” ayuu yidhi Mr Bottini.
Falanqeeyayaasha ayaa saadaaliyay in laga yaabo in Mr Musk uu raadinayo siyaabo uu hoos ugu dhigo qiimaha ay joogto shirkaddi, si uu yaraado dalabkiisa la wareegida ama uu uga baxo heshiiska.
Dhowr jeer ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu ka walaacsan yahay tirada xisaabaadka been abuurka ah, ama ama akoonnada aan jirin ka jira Twitter-ka ee lagu magacaabo ‘bot’
Bot – waa barnaamij kombuyuutar oo soo dira qoraalo toos ah oo inta badan lala xidhiidhiyo macluumaadka khaldan ee baraha bulshada.
Mr Musk waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in laga yaabo in uu siisto Twitter ka lacag ka yar $44bn ee ay hore ugu heshiiyeen guddiga shirkadda bishii March.
Qareennada Mr Musk iyo Tesla si degdeg ah ugamay jawaabin codsi ay BBC-du u jeedisay Jimcihii.
Twitter-ka ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo markii ay BBC-du sida oo kale iyagana la xidhiidhay.
Horaantii bishaan, Twitterka ayaa xaqiijiyay in labo ka mid ah madaxdeeda, kuwaas oo hogaaminayay dhanka macaamilka iyo howlaha dakhliga ay ka tageen shirkadda.