Monday, September 7, 2026
Home WARAR Ingiriiska oo sheegay in Soomaalida Tahriibka ku gasha Dalkaas ay yihiin 12%

Ingiriiska oo sheegay in Soomaalida Tahriibka ku gasha Dalkaas ay yihiin 12%

0
38

Ingiriiska oo sheegay in Soomaalida Tahriibka ku gasha Dalkaas ay yihiin 12%

Dowladda Ingiriiska gaar ahaan waaxda la socodka Dadka soogalootiga ee dalkaas ayaa sheegtay in sannadkaan 2026 ay dalkooda dhinaca xuduudda biyaha ah ee Faransiiska la wadaagaan ay kasoo galeen tahriibayaal kala dhalasho duwan.

UK ayaa sheegtay in 18% Dadkaas ay u dhasheen Dalka Eretareeya, 13% waa Dad u dhashay Suudaan, waxaa nambar kaas lamid ah waa 13% haysta reer Afgaanistaan halka dalka 4aad ee Dadkiisu galay Ingiriiska ee helay 12% uu yahay Soomaaliya.

Xukuumadda London ayaa sheegtay in dadkaan ay tahriib isaga kala soo gudbeen waddamo kala duwan oo Yurub ah, markii ay tageen Faransiiska oo Xuduud marin biyood ah ay wadaagaan kaddib halkaas ay kasoo galeen dhulkooda.

Dalalka reer Yurub ayaa lagu wadaa in ay dib usoo cusboonaysiiyaan kulamadii ay uga hadli jireen xakamaynta soogalootiga maadaama ay dareemayaan Cadaadis Bulshadooda ah oo Waddamada qaar ka billaabay kacdoon ka dhan ah Tahriibayaasha ah.

Dhanka kale, Doon ay la socdeen in ku dhow 140 qof oo Tahriibayaal ah ayaa gaaray Dalka Ingiriiska, waxaa dibadbax rabshado wata oo ka dhan ah arrintaas sameeyay Dadka magaalada Portsmouth ee Koofurta England kuwaas oo diidan in lasoo dhaweeyo Dadkaas.