IOM: ku dhawaad 600 oo tahriibayaal ah oo lagu la’ yahay Xeebaha Liibiya & Tunisia.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in saddexdii bil u dambeysay xogtooda la waayay ku dhawaad 600 oo tahriibayaal ah oo ka safray xeebaha waddamada Tunisa iyo Liibiya iyaga oo u jiheystay dhanka qaaradda Yurub.
Warbixinno ay soo uruuriyeen wakiillada IOM ee jooga Tuniisiya iyo Liibiya ayaa lagu sheegay in raq iyo ruux la la’ yahay Dadkaan oo muddo saddex bil gudaheed iska daba safray si ay u gaaraan hamigooda oo ah qaaradda Yurub.
Wakiilada Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegay in ay kaashanayaan ilaalada Xeebaha Liibiya, Tuniisiya iyo kuwa Talyaaniga si loo helo xogta Dadkaan ee looga shakisan yahay in ay cilad ku timid doomihii ay raaceen ama la rogmadeen.
Hay’addu ma sheegin waddamada ay u kala dhasheen Tahriibayaashaan lagu la’ yahay Xeebaha waddamada Liibiya, Tunisia iyo biyaha caalamiga ah ee Badda Mediterranean-ka oo boqolaal muhaajiriin ah naftooda horay ugu waayay.
Ciidamada ilaalada Xeebaha Liibiya iyo Tuniisiya ayaa billaabay howlgallo lagu hor istaagayo Tahriibayaasha cusub ee damacsan in ay ku safraan bacaha jilcan ee doomaha laga sameeyay in ay u tagaan Qaaradda Yurub oo hoolkoodu yahay.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dhowr jeer lasoo badbaadiyay toboneeyo ruux oo qaarkood la dejiyay xeryo ay gacanta ku heyso hay’addaan waxaana howshaan ka gacansiiyay Ciidamada ilaalada Xeebaha waddamada Liibiya iyo Tuniisiya.
Muddo ka badan 10 sano ayay Tahriibayaashu ka socdaalayaan Liibiya, waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan kahor inta aanay u dhaqaaqin safarka badda oo intooda badan naftooda ku waayay, waxaa lacago madax-furasho ah looga qaataa xabsiyada oo waxaa intaas u dheer jirdil, handadaad iyo kufsi sida ay xaqiijiyeen qaar kamid tahriibayaasha.