Tuesday, September 8, 2026
Home WARAR Dowladda Ruushka ayaa heshiis dhaqaale la gaartay Iiraan si looga fududeeyo cunaqabateynta.

Dowladda Ruushka ayaa heshiis dhaqaale la gaartay Iiraan si looga fududeeyo cunaqabateynta.

0
30

Dowladda Ruushka ayaa heshiis dhaqaale la gaartay Iiraan si looga fududeeyo cunaqabateynta.

Wasiirka Maaliyadda Iiran, Seyed Cali Madanisadeh, ayaa sheegay in Iran iyo Ruushka ay gaareen heshiis dhaqaale oo cusub, kaas oo sida uu sheegay furaya fursado cusub isla markaana kordhinaya awoodda Iran ay ugu adkeysan karto cunaqabateynta caalamiga ah.
Madanizadeh ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Moscow, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay sii xoojin doonaan heshiis dhaqaale oo ay hore u gaareen.

Wasiirku wuxuu sheegay in dhowr heshiis iyo qandaraasyo la diyaariyey, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta marin ganacsi oo isku xiri doona Iran, Ruushka iyo dalal kale oo gobolka ah.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo isu-socodka badeecadaha iyo ganacsiga u dhexeeya waqooyiga iyo koonfurta.
Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Iran ay wajahday cadaadis dhaqaale oo xooggan iyo cunaqabateyn cusub. Mareykanka ayaa weli si adag u dhaqangelinaya cunaqabateynta Iran, iyadoo tallaabooyin dheeraad ah laga qaaday horraantii Sebtembar 2026.