Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay Gobolka Togdheer oo sii kordhay

0
16

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay Gobolka Togdheer oo sii kordhay

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal labadii cisho lasoo dhaafay ka dhacayay inta u dhaxeysa Qorilugud iyo Buuhoodle kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kooxo hubeysan oo deegaanka ah.

Dhimashada inta la xaqiijiyay waxa ay kor u dhaafeysaa 25 ruux halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, dadka dhintay iyo dhaawacmay ayaa u badan dhinacyada dagaalamay inkasta oo ay ku jiraan Dad kale oo rayid ah.

Dagaalka salkiisu waa hab maamulka Deegaanno katirsan Gobolka Togdheer oo Somaliland ay sheeganeyso in ay leedahay mas’uuliyadda maamul halka kooxaha hubeysan ee deegaanka ay la magac baxeen magaca SSC isla markaana ay ka madaxbannaan yihiin maamulkaas.

Maxaabiis ayaa la kala qabsaday inta uu dagaalka socday, labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay, Maamulka Somaliland ayaa dagaalkaan ku eedeysay in ay ka dambeyso Dowladda Federaalka ujeedkiisu yahay in lagu carqaladeeyo Doorashada dhaceysa 13ka bishaan.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka oo uga warcelineyso eedahaas uga yimid dhinaca Maamulka Somaliland, Muddooyinkii dambe deegaanno katirsan Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer & Awdal waxaa ka socday kacdoon ka dhan ah Somaliland.

La soco wixii kasoo kordha