Ciidamada kawada tirsan Dowladda Federaalka oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

0
83

Ciidamada kawada tirsan Dowladda Federaalka oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo burburin ah kawada xaafadaha u dhaxeeya Jaamacadda Gahayr gaar ahaan qaybta jiifka ilaa Ekis Kontorool Afgooye ayaa iska caabbin kala kulmay Ciidamo kale oo isla Dowladda ah oo deegaan ku ah Dhulkaas.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalkaan burburinta ah waday maalmihii lasoo dhaafay, Dadka ayay siiyeen digniin la xiriirta in muddo kooban ay halkaas isaga guuraan.

Ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin Dowladda Federaalka ee deegaan ahaanta u degenaa dhulkaas burburinta ka socota ayaa kahor yimid tallaabadaas, muran kaddib waxaa goobta ka dhacay israsaaseyn sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday halka ay dhaawacmeen saddex kale waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas ka kordho maadaama waqti badan ay dagaalamayaan ciidamadaan isugu jira Booliiska qaabka Militariga u tababaran iyo kuwa xoogga sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay in ay ka saarto Dad Shacab ah oo muddo degenaa dhul Dowladdu sheegtay in ay u baahatay, waxaana howlgalladaas ay u dhaceen si nabadgalyo ah.

Ma jiro war kasoo baxay Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu faahfaahiyay israsaaseyntaan, tallaabada la qaaday, khasaaraha ka dhashay iyo sababta keentay in laga baaqsan waayay isku dhacaan.

La soco wixii kasoo kordha