Jarmalka oo sheegay in ay Iiraan ku gacan sarreyso dagaalka Bariga Dhexe
Dowladda Jarmalka ayaa markii ugu horreysay dhaliishay hannaanka Mareykanka u maareeyay dagaalka Bariga Dhexe ee lagu jiro bishaan.
Kansalarka Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa faragelinta milatari ee Maraykanku ku hayo dalka Iran ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin oo bahdilaad ah.
Isagoo ku sugan magaalada Marsberg ee dalka Jarmalka, ayuu sheegay in Mareykanku uu wajahayo dhibaato dhanka istraatiijiyadda ah, isagoo xusay in xukuumadda Tehran ay gacanta sarre ku leedahay colaadda hadda taagan.
Kansalarka ayaa isbarbardhig ku sameeyay dagaalka hadda socda iyo fashilaadihii hore ee Mareykanka ee ka dhacay dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq.
“Dhibaatada ka jirta iska horimaadyada noocan oo kale ah mar walba waa in aadankaliya u baahnayn inaad gasho, balse ay tahay inaad dib uga baxdo. Waxaan taasi si xanuun badan u aragnay Afgaanistaan muddo 20 sano ah. Waxaan sidoo kale ku aragnay Ciraaq,” ayuu yiri Merz.
Hadalka Merz ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Iran uu booqasho ku joogo dalka Ruushka, isagoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee loogu jiro soo afjaridda dagaalka iyo ka hortagga in hubka nukliyeerka uu ku faafo gobolka.






















