Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Israa’iil oo xirtay saraakiil ciidan oo ay ku tuhuntay inay la shaqaynayaan...

Israa’iil oo xirtay saraakiil ciidan oo ay ku tuhuntay inay la shaqaynayaan Iiraan

0
100

Israa’iil oo xirtay saraakiil ciidan oo ay ku tuhuntay inay la shaqaynayaan Iiraan

Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo shaki wayn ka qaadday weerarrada qaar ee Iiraan ku beegsatay goobo aad loo adkeeyay waxa ay qaadday tallaabo ay ku xirtay saraakiil ciidan oo lala xiriirinayo in ay la shaqaynayaan ama wax u basaasayaan sirdoonka Iiraan.

Warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sheegtay in saraakiil katirsan ciidanka Nidaamka Difaaca Hawada ee loo yaqaan Iron Dome in la xiray kuwaas oo lagu soo oogayo dacwad la xiriirta la shaqaynta Iiraan iyada oo aan la shaacin tiradooda & waqtiga la maxkamadaynayo.

Tani waxa ay keentay shaki culus oo la xiriira sida ay Iiraan u dhexgashay Israa’iil maadaama xaruntaan indhaha u ah difaaca Hawada ay ku yeelatay saaxiibo ay ka hesho xogaha si ay Tehran u gaarto goobo bartilmaameed u ah.

Goobo u dhow Hoyga Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil waxaa horay ugu dhacay Gantaallo culus oo sababay burbur, sidoo kale mid kamid ah xarumaha ugu adkaa waxaa gantaal kol hore ku dhacay ku geeriyooday walaalka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Sirdoonka Iiraan ayaa horay loo sheegay in ay dhexgaleen Dalalka Khaliijka iyo Dhulka ay Israa’iil xoogga ku haysato, waxa ay taasi sababtay in gantaallada ay tuurto Tehran ay noqdaan kuwo guulaysta kana gudba difaacyadii muddo dheer isbahaysiga Maraykanka ku faanayeen.

Wakaaladda Wararka Reuters oo qudheeda dabagal ku samaysay arrintaan ayaa ugu dambayn heshay xogtaan iyada oo caddaysay in ay jiraan Saraakiil katirsan Waaxda Difaaca Hawada Israa’iil oo la xiray balse sooma bandhigin, Magacyadooda, Tiradooda & halka laga qabtay.