Home WARAR Iiraan oo markale xidhay Marinka Hormuz, iyada oo Mareykanka ku eedeysay “budhcad-badeednimo”

Iiraan oo markale xidhay Marinka Hormuz, iyada oo Mareykanka ku eedeysay “budhcad-badeednimo”

0
48

Iiraan oo markale xidhay Marinka Hormuz, iyada oo Mareykanka ku eedeysay “budhcad-badeednimo”

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in marinka muhiimka ah ee Hormuz mar kale la xidhay, iyadoo ku eedeysay Mareykanka inuu wado tallaabooyin ay ku tilmaantay “budhcad-badeednimo”, oo ay ka mid tahay xannibaad lagu hayo dekedaha Iiraan.

War kasoo baxay Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in xakamaynta marinkaasi “dib loogu celiyay sidii hore”, kadib markii Mareykanku sii waday cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha dalkaasi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xannibaadda badda ay “sii socon doonto si buuxda” ilaa laga gaadho heshiis dhammeystiran oo u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Arrintan ayaa imanaysa xilli hore Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbaas Caraaqchi, uu sheegay in marinka Hormuz uu “si buuxda ugu furan yahay” maraakiibta ganacsiga, isaga oo arrintaas ku xidhay xabbad-joojin dhawaan laga gaadhay dalka Lubnaan.

Sidoo kale, Trump ayaa xusay in Israa’iil laga mamnuucay inay duqeyso Lubnaan, iyadoo maalintii ugu horreysay ee xabbad-joojinta 10-ka maalmood ah ay kumannaan qof dib ugu laabteen guryahoodii ay kaga barakaceen weerarradii toddobaadyadii la soo dhaafay.