Iiraan oo diiday dalabaadkii Donald Trump & indhaha caalamka oo bariga dhexe u jeeda
Waxaa soo dhammaaday wadahadalkii saddexaad ee u dhaxeeyay Maraykanka & Iiraan si maamulka Donald Trump uu u helo labo arrin mid uun waana in ay Tehran is dhiibto ama uu go’aansado dagaal uu ku qaado Dalkaas.
Iiraan ayaa la sheegay in ay diiday in ay is dhiibto isla markaana hubkeeda ku wareejiso Maraykanka una hoggaansanto awaamiirta ka imaanaya dhinaca Maamulka Donald Trump si ay uga baaqsato dagaalka culus ee ku wajahan.
Tehran ayaa Saxaafadda sugaysay natiijada ugu dambaysa ee kulanka waxa ay u sheegtay in wareeg Afaraad la isugu imaan doonno iyada oo aanay shaacin waqtiga, goobta iyo in uu Maraykanka aqbalay maadaama uu ka aamusay arrintaan.
























