Home WARAR Howlwadeenno Caafimaad oo cudurka Ebola ugu geeriyooday DR Congo

Howlwadeenno Caafimaad oo cudurka Ebola ugu geeriyooday DR Congo

0
54

Howlwadeenno Caafimaad oo cudurka Ebola ugu geeriyooday DR Congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa sheegtay in qaar kamid ah howlwadeennada Caafimaadka ee loo xilsaaray kahortagga Cudurka Ebola ay qudhooda u dhinteen isla xannuunkaas sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowladdaas.

17 oo kamid ah Shaqaalaha Caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo uu ku dhacay Cudurka Ebola ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen xannuunkaas, waxaa karaantiil la geliyay qaar kamid ah dadkii ay la tacaamuleen ama shaqo wadaagga ay ahaayeen.

Geerida dadka waxa ay kor u dhaaftay 200 oo ruux guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana karaantiil ku jira tobanneeyo ruux oo intooda badan ku xaraysan teendhooyinka loo asteeyay in lagu hayo Dadkaas.

Qaramada Midoobay gaar ahaan hayโ€™adda u qaabilsan Caafimaadka ee loosoo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in kaalmo degdeg ah looga baahan yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo si looga hortago halista cudurka Ebola oo sii faafaya.