Home WARAR Hoggaamiyaha Iiraan oo digniin adag u diray Mareykanka

Hoggaamiyaha Iiraan oo digniin adag u diray Mareykanka

0
150

Hoggaamiyaha Iiraan oo digniin adag u diray Mareykanka

Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa digniin adag u diray dowladda Mareykanka, isagoo sheegay in weerar kasta oo lagu qaado dalkiisa uu horseedi doono dagaal ka qarxa Bariga Dhexe.

Khamenei oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii Iran ee 1979-kii, ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay inay ogaadaan cawaaqibka ka dhalan kara dagaal ay bilaabaan.

Hoggaamiyaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay doonayaan inay dhacaan khayraadka saliidda iyo gaaska ee Iran, wuxuu sheegay in Washington ay mar walba isku dayeyso inay wiiqdo madaxbannaanida dalka Iran.

Dhinaca kale, Khamenei ayaa ka hadlay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay gudaha Iran, kuwaas oo uu ku tilmaamay isku day inqilaab oo fashilmay.

Wuxuu ku eedeeyay dibadbaxayaasha inay weerareen xarumaha dowladda, saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC), bangiyo iyo masaajiddo.

Hadalka Khamenei ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Iran iyo Mareykanka.