Home WARAR Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

0
30

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku xukuntay xabsi daa’in ayaa lagu wadaa in loo soo wareejiyo Soomaaliya si ay ugu dhammaystaan xukunkaas ku dhacay sida hadalka loo dhigay.

Warbaahinta Hindiya oo soo xigatay ilo kala duwan ayaa bannnaanka soo dhigtay xogtaan iyada oo sheegtay in Maxaabiistaan Soomaalida ah aanay jirin ehel u jooga Dalkaas sidaas awgeed ay dalbadeen in loo wareejiyo xabsiyada Soomaaliya.

Waxyaabaha fududeyn kara in loosoo wareejiyo Soomaaliya waxaa kamid ah in uu jiro heshiis ay horay u wada galeen labada Dal sannadkii 2017 kaas oo dhigaya Maxaabiista xukunka dheer lagu riday lagu wareejiyo dalkooda si ay ugu dhawaadaan ehelkooda.

Haddii arrintaan ay dhacdo waxa ay maxaabiistaan loo haysto in ay Burcad Badeed yihiin ay noqonayaan maxaabiistii ugu horreysay ee lagu dhaqangeliyo heshiiska dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya 9 sano kahor.

Qareennada Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa ku dooday in dadkaan laga wareejiyo Xabsiga Dhexe ee Taloja looga wareejiyo Soomaaliya, dood maangal ah waxa ay ka dhigteen heshiiskaas ay kala saxiixdeen oo u ogolaanaya in kiiskooda loo wareejiyo Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa la gaarsiiyay codsigaan, waxaana ay u yeertay Safaaaradda Soomaaliya ee Dalkaas iyo mas’uuliyiin kale iyada oo kala tashanaysa sidii Maxaabiistaan loogu wareejin lahaa Dalkooda Hooyo & qaabka loo qaadayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiso warkaan sheegaya in dhanka Hindiya uu kasoo dhammaaday isla markaana ay ogoshahay sidii ay u wareejin lahayd Maxaabiistaan ku xukuman Xabsi daa’inka.