Home WARAR Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo diidey dacwad ay soo qorteen xubno ka...

Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo diidey dacwad ay soo qorteen xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE

0
138

Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo diidey dacwad ay soo qorteen xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE

Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa manta soo saartay go’aan ay ku diidey dacwad ay soo qorteen xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyadoo guddidu sheegtay in xubnaha sheegtay inay ka mid yihiin Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye aanay iyadu u aqoonsanayn maadaama oo aanay ku jirin diiwaanka xisbiga ee ay hayaan. Sidoo Kalena waxay qoraalka DACWADDA ah ku tilmaameen mid aan nuxurkiisa iyo habraaca loo marayba khaldanyihiin.
Xubnaha ay Guddidu diidey inay si sharci ah uga midyihiin Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE waxaa ka mid ah:
1. Axmed Xaaji Daahir
2. Abdinasir Muhumed Hassan Buuni
3. Amb. Osman Omar Badmaax
4. Dr. Mohamed Farah Hersi,
5. Cabdinaasir Yuusuf Qodax
6. Mustafe Mohamoud Qodax
7. Saleebaan Cawad Cali, iyo
8. Dr. Essa Kayd Mohamoud