Home WARAR Ghana oo $1.47 Bilyan ku bixisay Dayn Koronto oo lagu yeeshay

Ghana oo $1.47 Bilyan ku bixisay Dayn Koronto oo lagu yeeshay

0
140

Ghana oo $1.47 Bilyan ku bixisay Dayn Koronto oo lagu yeeshay

Dalka Ghana ayaa bixiyay dayn lacageed oo dhan $1.47 Bilyan oo doollar, lacagtaan oo ah mid ku uruurtay dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika waxaa la sheegay in ay culays ku noqotay muddo dheer sida ay ku warrameen mas’uuliyiin kala duwan.

Waax hoostagta Bangiga Adduunka ayaa la sheegay in Dalka Ghana ka gacansiiso sidii ay u heli lahayd Koronto ku filan guud ahaan Dalkaas, waxaa bixinta lacagtaan ku dadejiyay in ay kusii kordhayso lacagaha dulsaarka ah ee loo garan ogyahay Ribada.

Wasiirka Maaliyadda Ghana, Cassiel Ato Forson ayaa sheegay in Dowladdu ay bixisay lacagtaas oo ah mid si toos ah ay uga soo amaahatay Bangiga Adduunka oo lagu daray lacagaha dulsaarka ah ee saarnaa muddada ay maqnayd.

Wasiir Forson ayaa sheegay in billowgii sanadkii hore 2025 markii uu xafiiska qabanayay Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama in dalkiisa uu qarka u saarnaa inay ku dhacdo Koronto la’aan iyo dhaqaale xumo is dhinac yaal balse xaaladdu aanay maanta sidaas ahayn.

Dalal badan oo Afrika ah ayaa qaatay go’aan culus oo la xiriira sidii ay isaga bixin lahaayeen daymaha ribada dulsaaran ee Bangiga Adduunka, waxa ay hirgeliyeen hannaan ay uga maarmayaan dhaqaala badan ee korontada iyaga oo hirgeliyay Soolar & habab kale oo tamarta looga faa’iidaysan karo.