Qaar kamid ah Ganacsiga muhiimka ah ee Maraykanka oo la kulmay weerar dhinaca Internet-ka ah
Dalka Maraykanka waxaa laga diiwaangeliyay weerarro dhinaca Internet-ka iyada oo dhacdadaan ay hoos u dhigtay shaqooyinka Bangiyada Online-ka ah, Shirkadaha Diyaaradaha iyo kuwo kale waxaana joogsaday qaar kamid ah adeegyadaas oo muhiim u ah Bulshada.
Warbaahinta Gudaha ayaa sheegtay in 24kii saac lasoo dhaafay ay taagnaayeen caqabadahaan iyada oo aanay jirin mas’uul Dowladeed oo Dadka la wadaagay howlgallada ka dhanka ah Burcadda Internet-ka ee weerarradaas gaysatay.
Maraykanka oo inta badan dusha ka saara mas’uuliyadda weerarrada Internet-ka inay ka dambeeyaan Kooxo u kala dhashay Waqooyiga Kuuriya, Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha ayaa ku goodiya in uu qaado tallaan jawaab u ah ficilkaas.
Wasaaradda Amniga Gudaha Maraykanka ayaa sheegtay in aysan weli helin xog muujinaysa in tallaabooyinka ay muddada kooban u istaageen shirkadaha ay ahaayeen dambiyo lagu fuliyay dhinaca Internet-ka balse baaris dheeraad ah ay waddo.
Waxaa is taagay qaar kamid ah Duullimaadyada Diyaaradaha, muuqaallo laga soo duubay Garoomada qaarkood waxaa ka dhex muuqday Dad safar ah oo saacado badan xayiran, qaar kale waxa ay awoodi waayeen in ay gudaha u galaan goobaha hubinta Tikidhada sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
























