Home WARAR DP World Oo Bilowday Khad Badeed Cusub Oo Isku Xidhi-doona Dekedaha Berbera...

DP World Oo Bilowday Khad Badeed Cusub Oo Isku Xidhi-doona Dekedaha Berbera Iyo Jabal Cali Ee Imaaraadka

0
103

DP World Oo Bilowday Khad Badeed Cusub Oo Isku Xidhi-doona Dekedaha Berbera Iyo Jabal Cali Ee Imaaraadka

Shirkada DP World ayaa shaaca ka qaadday in ay isku-xidhay dekedaha Berbera ee Somaliland ilaa Jabal Cali Dubai, taasoo ay shirkaddu sheegtey in ay Berbera ka dhigayso marin-badeed muhiim ah iyo xarun saad oo istaraatiiji u noqota Bariga Afrika.
Khadkan cusub oo maraakiibta xamuulka ah ay sagaalkii maalmoodba mar ku kala gooshi doonaan labada dekedood ayaa loo arkaa horumar weyn oo dhinaca ganacsiga iyo saadka ah, kaas oo si toos ah u xoojinaya doorka Berbera ee ku aaddan ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Tallaabadan ayaa sidoo kale ka mid ah qorshaha ballaadhan ee DP World ku doonayso in ay kor u qaaddo awoodda shabakaddeeda caalamiga ah iyo in Dekedda Berbera laga dhigo marin badeed istiraatiiji ah iyo xarun weyn oo ganacsi oo isku xidha Bariga Afrika iyo suuqyada caalamka.

Arrintan ayaa ah mid fursad weyn u ah Somaliland, maadaama ay sare u qaadaysa maalgashiga, ganacsiga, iyo shaqo abuurka gobolka, isla markaana ay xoojinayso kaalinta Berbera ee ah albaabka baddaha ee gobolka.

DP-world gaar ahaan shirkadeeda P&O ayaa toban sanno gacanta ku haysa dekedda Boosaaso ee Puntland, weli se ma jiro horumar la-taaban karo oo laga gaadhay.
https://www.facebook.com/share/1BW3GCUr6R/