Dowlad Xilka Ka Qaadday Wadaad Dhaliilay Filin Laga Sameeyay Faadumo Bintu Rasuul (NNKH)

0
334

Dowlad Xilka Ka Qaadday Wadaad Dhaliilay Filin Laga Sameeyay Faadumo Bintu Rasuul (NNKH)

Dowladda Britain ayaa xilka ka qaafday wadaad la-taliye u ahaa, kafdib markii uu taageeray soo-jeedin ah in la mamnuuco filin laga sameeyay gabadha uu dhalay Nebi Muxamed (NNKH) ee Faadumo.

Qaari Asim ayaa xukuumadda London kala talin jiray Islaam-naceybka, waxaana lagu eedeeyay inuu “taageeray xadidaadda xuquuqda hadalka”.

Wadaadka ayaa sheegay in uusan ka qeybgalin ama uusan soo qaban-qaabin dibedbaxyada ka dhanka ah filinka, doodda xukuumaduna ay tahay mid aan sax ahayn.

Shaneemooyinka dalal Muslim ah ayaa laga mamnuucay filinka oo lagu tilmaamay inuu ka hadlayo noloshii Faadumo bintu Rasuul, kafdib khilaaf ka dhashay xogta uu gudbinayo.

Waxaa u dambeeyay dalka Morocco oo ay culimadiisa Islaamku sheegeen in filinka uu ka been sheegay xaqiiqda nolosha gabadha uu dhalay Nebi Muxamed (NNKH).

Dalalka Masar, Pakistan, Iran, Ciraaq iyo UK waxaa ka dhacay mudaaharaadyo ka dhan ah filinka oo ay sameeyeen dad British ah.

Culimada Morocco ayaa ku eedeeyay soo-saarayaasha filinka inay “caannimo ka raadiyeen dhibaateynta iyo kala qeybinta bulshada Muslimka ah,” sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

Maxaa ku jira filinka?
Ninka diyaariyay filinka oo Shiici ah laguna magacaabo Yaasir Al-Xabiib ayaa lagu eedeeyay inuu ka been sheegay qeyb ka mid ah nolosha Faadumo.

Yaasir oo si weyn u aaminsan mad-habka Shiicada ayaa horay loogu eedeeyay inuu aflagaadeeyay xaaska Nebiga ee Caa’isha iyo weliba labada hoggaamiye ee Abuubakar iyo Cumar

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu sawir xun ka bixiyay qaar ka tirsan hoggaamiyeyaashii hore ee Islaamka, isagoo tilmaamay in ficilladoodii ay la mid ahaayeen kuwa uu ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka ka geystay Ciraaq.

Filinka ayaa la sheegay inuu ku jiro qof metalaya Nebi Maxamed (NNKH), arrintaas oo ay mamnuucday Diinta Islaamka.

Soo-saaraha filinka, Malik Shlibak, ayaa si weyn u dhaliilay dadka diiddan filinka oo lagu magacaabay ‘The Lady of Heaven’, isagoo kula taliyay in haddii aanay ku qancin xogta uu gudbinayo aysan daawan, halkii ay soojeedin lahaayeen in la faafreebo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Muslimiinta oo dhan aanay rabin in la mamnuuco filinka.

Shaneemada Britain ugu weyn ee Cineworld ayaa toddobaadkii tegay joojisay soo bandhigidda filinka, kaddib markii ay dad Muslimiin ah dibedbax ka dhigeen bannaanka shaneemooyinkeeda qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here