Dadka Somaliland u soo safraya oo caqabad kala kulmaya nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya

0
58

Dadka Somaliland u soo safraya oo caqabad kala kulmaya nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya

Dadka u safraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ee ka imaanaya dibadda, ayaa sheegay in ay caqabado kala kulmaan nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) ee ay dowladda Soomaaliya soo rogtay, iyadoo qaarkood laga reebay duulimaadyadii ay ku safrayeen.
Cabdiraxmaan Aadan, oo kamid ah qurbajooga Somaliland, oo shalay safar ku soo maray magaalada Dubai, ayaa Galaydh TV u sheegay in isaga iyo dad kale oo Hargeysa usoo safrayay lagu xidhay in ay fiisaha Soomaaliya soo qaataan. Kadib markii ay isku dayeen in ay dalbadaana, dowlada Soomaaliya ay ka xidhay nidaamkii, isla markaan ay muddo dheer go’doon ku ahaayeen Dubai.