Home WARAR Ciidanka gaarka ah ee Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada...

Ciidanka gaarka ah ee Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Mandheera

0
60

Ciidanka gaarka ah ee Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Mandheera

Ciidamo katirsan kuwa gaarka ah ee u xilsaaran la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Dalka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Ismaamulka Mandheera si ay u raadraacaan xubno weeraray xero ciidankaas ay ku leeyihiin Degmada Lafeey.

Saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa ku warramay in xubnaha weerarka qaaday ay beegsadeen xeradaas ay ku sugnaayeen ciidamada oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex askari sida hadalka loo dhigay.

Kenya ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso howlgallada ka dhanka ah Deegaannada xiga dhinaca Soomaaliya oo horay uga soo gudbeen xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo qaarkood dad deegaanka ah ka qortay halkaas.