BUUHOODLE : Maleeshiyo Beeleed hubaysan oo gaadhi xoog ku dhacay + Dad ku dhintay
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in maalintii shalay ee axada ahayd 19.10.025 ay meleeshiyo beeleed hubaysan ku dileen dhalinyaro gaadhaysa 2 tiro kale oo 5 ah na dhaawaceen oo uu mid ka mid ahi dhaawiciisu halisyahay.

Dhacdadan ayaa timid kadib maalintii jimcaha markii maleeshiyo beeleed hubaysan oo gaar ahaan kasoo jeeda Beesha Wacays Adan ay xoog ku qafaasheen gaadhi nooca Lankaruusalka ah oo uu iska lahaa ganacsade dhalinyaraa oo kasoo jeeda Beesha Madhibaan ee Sacad.
Gaadhigaas oo sida la sheegay ka tirsanaa Shirkada Socdaalka SAFAR ee u kala gooshta Gaashaamo ilaa Buuhoodle.
Xidhiidho badan oo ay odoyaashii baabuurka lahaa ee SACAD la sameeyee beesha Wacays Adan iyo maamulka Beri ee Laascaanood lagadhisay dhawaan ayaa kusoo dhammaaday xal iyo rajo la’aan kadib markii maamulka beri iyo beesha Maleeshiyadu siwada jir ah u sheegeen in aanay waxba ka qaban karin howsha gaadhiga la afduubtay.
Arinkaas kadib markii beeshii baabuurka lahayd aragtay in dhaqan iyo maamulkiiba aanay waxaba u qabanayn waxa ay Axadii shalay usoo baxeen raadinta gaadhigii laga dhacay, waxaanay heleen gaadhigii oo meel cidlaa oo u dhaw Tuulada lagu magacaabo Jacayl iska yaala. Isla markiiba dhalinyaradii iyo odoyaashi waxa ay arkeen baabuurkii oo la jarjaray mishiinkii iyo beteriyadiina lagala baxay, sidaasaanay kusoo jiiteen baabuurkodii.
kadib markii ay soo gaadheen tuulada lagu magacaabo Jacayl waxa mar kaliya rasaas gaadmo ah lagu furay dhalinyaradii jiidaysay baabuurka ee saarneed halkaas oo ay ku dhinteen laba dhaliyaro kasoo beeda beesha Madhibaan Sacad tiro 5 kalena ku dhaawacmeen.
Dhacdadaas ayaa waxa ay qayb ka noqonaysaa isir nacaybka iyo wax isku quudhis la’aanta ay la kulmaan beelaha Madhibaan ee daga maamulada kala duwan ee Somalia.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA IYADAA GAADHIGII Beeshii Lahayd Jiidanayso.
Dalmarnews
























